XOG: Ciidamada Itoobiya Oo La Wareegi Doona Shan Gobol Oo Dalka Ah (Waa Kuwee)

0 84

Ciidamada Itoobiya ayaa lagu wadaa in dhowaan ay la wareegaan guud ahaan Shan gobol oo dalka ah, waxaana laga saari doonaa gobolladaasi ciidamada kale ee AMISOM.

Xog ay heshay wakaaladda wararka ee Warqaad.com ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay la wareegayana gobollada kala ah, Baay, Bakool, Sh/hoose, Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Ciidamada kale ayaa la geyn doonaan gobollada kale sida Jubada Hoose, J/dhexe, Gedo, Galgaduud iyo Mudug.

Itoobiya ayaa arrintaan kala heshiisay sida xogta ku helnay dowladda Federaalka si ay ula dagaallamaan Al-shabaab.

Ciidamada AMISOM guud ahaan waxaa la filayaa in dalkaan ka bixistooda ay bilaabaan dabayaaqada sanadkaan 2017.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.