XOG: Baarlamaanka oo ku Kacsan Ciidamada dowlada & Wasiirka Amniga oo loo Hanjabay

0 104

Warar lagu kalsoonyahay ayaa shegaya in Baarlamaanka Soomaaliya uu ku hanjabay in talaabo laga qaadi doono askarigii ku xad gudba xasaanada xildhibaanada.

C/wali Sheikh Ibraahim Muudeey, Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ayaa sheegay in lala xisaabtamayo askarigii xad gudub u geysta xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, waxaana arintaasi digniinteeda loo sheegay Wasiirka amniga.

Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ayaa u sheegay wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale in lagula xisabtamo khalad kasta oo ciidamada ay u geystaan mudayaasha Baarlamaanka, sidaa daraadeed laga rabo inuu Tababar iyo Seminaaro u furo Askarta si ay u bartaan qaabka loola dhaqmo xildhibaanada.

Wasiirka amniga gudaha ayaa balan qaaday inuu wax ka qabanayo arintaan, isla markaana askarta dowlada ay ogaadaan in xuquuqda uu leeyahay xildhibaanka iyadoo amniga la sugayo.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa dhowr jeer cabasho ka soo gudbiyay Ciidamada dowlada oo ay sheegeen inay ula dhaqmaan sida shaqsi caadi ah, taasoo meel kaga dhaceysa xasaanadooda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.