LA OGAADAY: Al-shabaab Oo Somaliland Ka Heshay Hub Aad u Badan

0 69

Warar si hoose o aan ka helnay ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Maleeshiyada Al-shabaab ay hub badan ka heleen maamulka Somaliland.

Hubkan oo u badan kuwa diyaaradaha sida Zuu iyo kuwo kale ayaa gaadiid waxay ka qaadeen magaalada Burco, waxaana ay tagi doonaan si qarsoodi ah buuraha Galgala.

Sidoo kale hubkan waxaa ku jira Baasuukayaal, Dhashiike, Dabajeex, AK-47, Bamnooyin iyo rasaas aad u badan.

Somaliland ayaa marar badan la shaaciyey in xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo Al-shabaab, balse middan ayaa noqoneysa caddeyntii ugu weyneyd.

Al-shabaab waxay marar badan isku dhaceen Somaliland kadib isbedallo ku yimid heshiiskooda, balse ugu dambeyn waa ay is fahmeen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.