DEG DEG: Galmudug oo ku Hanjabtay inay ogaan doonto Cidii dishay Gudoomiyihii Galgaduud

0 56

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan dil xalay Magaalada Muqdisho loogu geystay Guddoomiyihii Gobolka Galguduud Maxamed Daahir Sheekh Cali Cilmi.

Maxamed Daahir Sheekh Cali Cilmi iyo Walaalkii ayaa xalay lagu dilay Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho,waxaana soo baxay warar kala duwan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Galmudug Maxamed Nuur Diini ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu billaabayo baaritaan lagu sameynayo dilka Maxamed Daahir Sheekh Cali Cilmi.

Guddoomiyaha la dilay waxaa loo magacaabay Galguduud Bishii January 2017,waxaana magacaabay madaxweynihii hore ee Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed,waxaana lagu beddelay Xuseen Weheliye Cirfo.

Maamulka Galmudug waxaa uu intaas ku daray in ay marka hore laamaha amniga ka war dhowrayaan kaddibna ay baaritaan ku sameynayaan dilka Maxamed Daahir Sheekh Cali Cilmi iyo walaalkii ee xalay lagu dilay Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.