XASAASI: Dowladda Qatar oo bilowday Qorshe ay kusoo jiidaneyso Indhaha Caalamka & Xulifadda Sacuudiga oo…

0 104

Dowlada Qatar ayaa shalay go’aan ku gaartay inay sharciyo degenaansho iyo xaquuq dheeraad ah siiso Ajaanibta dalkeeda ku nool, tilaabadan oo noqoneysa mid si weyn uga duwan sharuucda u yaal dalalka Khaliijka.

Wadanka Qatar ayey ku nool yihiin dad lagu qiyaaso 2.4 milyan oo qof, kuwaasi oo 90% kamid ah yihiin ajaanib dalkaasi ka shaqeysa.

Sharciga cusub ayaa u ogolaanaya caruurta ay hooyadood ay tahay reer Qatar, abaahoodna yahay Ajnabi inay helaan xaquuq u dhiganta tan ay helaan muwaadiniinta dalkaasi u dhashay, sida adeeg caafimaad iyo waxbarasho lacag la’aan ah.

Sidoo kale dadka muddo dheer kasoo shaqeenayey Qatar isla markaana wax badan kusoo kordhiyey wadankaasi ayaa la sheegay in sharciyadan lasiin doono, iyagoo loo fasixi doono inay gataan guryo ama dhul ay iyagu leeyihiin, waxayna furan karaan ganacsiga iyagoo aan u baahneyn wax kafiil ama qof ka mas’uul ah oo muwaadin reer Qatar ah.

Sharcigan oo ay Golaha Wasiirada Ansixiyeen Khamiistii shalay ayaa sidoo kale u ogolaanaya dadka degenaanshaha dheeraadka ah la siinayo inay kamid noqdaan ciidamada dalka Qatar iyo waliba shaqooyinka kale ee dowlada.

Dhinaca kale dowlada Qatar ayaa todobaadkan saxiixday heshiis ay la gashay dowlada Italy oo u dhisi doonta ugu yaraan 5 Markab oo nooca dagaalka ah, mashruucaasi oo ay Qatar ku bixin doonto lacag gaareysa 5 bilyan oo dollar.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.