DHAGAYSO Wareysi Kulul: Cali Khaliif Galeyr oo hadalo adag kula hadlay Puntland & DFS, Sheegeyna In Somaliland ay…

0 73

Cali Khaliif Galeyr oo ah hogaamiyaha maamulka Khaatumo ayaa wareysi uu siiyay BBC-da uga hadlay khilaaf xoogan oo ka dhex taagan maamulkaas.

Waxaa uu sheegay in barlamaanka Khaatumo ay fashiliyeen isku day ay soo abaabushay Puntland oo la doonayay in dhibaato loogu abuuro deegaanka Khaatumo, kadibna xilka laga tuuray madaxweyne ku xigeenkii maamulkaas.

Dhanka kale, waxaa uu sheegay ineysan socon karin marxalad lagu marin habaabinayo dadka deegaanka ayna diyaar uyihiin iney ka hortagaan.

Cali Khaliif ayaa dhanka kale sheegay ineysan raali ka noqon doonin in dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland ay shaqsiyaad lacag kusoo siiyaan iney dhibaato ka abuuraan deegaanada maamulkaas.

Khaatumo ayaa dhawaan saxiixday heshiis ay ugu biireyso Somaliland, waxaana uu tilmaamay in talaabadaas ay shacabka dan ugu jirto.

HOOS KA DHAGASYO WAREYSI XASAASI AH

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.