XOG: Wasiir Xoosh Seefta Maanta Mala Tagi Mise Waa Uu Badbaadi?

0 55

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa maanta waxay ka doodi doonaan aayaha wasiir Xoosh Jibriil, waxaana middaasi ay keeneysaa Labo arrin midood oo kala ah in wasiirka ay seefta dafto ama inuu badbaado.

Xildhibaanno badan ayaa doonaya iney wasiirka meesha ka saaraan, sabab ay ku sheegeen inuu yahay shaqsi madax adag oo jabiyey ammarkii xildhibaannada.

Waxaa jira xildhibaanno kale oo xalay oo dhan abaabul waday doonayana inaan wasiirka meesha laga saari oo shaqadiisa sii wato.

Maanta Xoosh Jibriil Labo arrin ayuu filan karaa, waana guul ama guul darro, haddii meesha laga saarana wuxuu horseedi doonaan wasiiro badan sidiisa oo kale in loo eryo.

Haddii la rido waxaa Kheyre loo sheegi doonaa inuu wasiirka fasaxo, haddii kheyre uu ka madax adeegana waxaa laga doonayaa inuu cadeeyo sababta uu u ceshanayo.

Dadka falanqeeya siyaasadda waxay sheegayaan in maanta halis uu ku jiro Xoosh Jibriil oo meesha laga saari doono, balse wax walbo waa ay isbdali karaan.

La soco wixii soo kordha

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.