Mad-habta Kaatoligga & Soomaaliya, Maxay tahay Halista ka imaan karta Kaniisada laga furay Hargeysa?

0 38

Waddanka bariga Afrika ee xadka la leh Itoobiya iyo Kiiniya, dadkiisa waxa la gu qiyaasaa 11 milyan, kuwaas oo boqolkiiba 98.8 ay muslin yihiin.

Kiniisaddii Kaatoliga ahayd ee Muqdisho la ga dhisay 1928kii, wax ay ahayd ta u gu weyn qaaradda Afrika balse tobaneeyo sanno ka dib, waxba umay tarin soomaalida kootaliyiinta ah. Run ahaantii, wadaadkii u danbeeyay ee kiniisadda haystay Salvatore Colombo waa la shirqoolay, wax aana la gu dhex dilay kiniisadda gudaheeda 1989kii, dabadeed sidaas bay ku baaba’day kiniisaddii. Inkaste oo madaxweynihii dalka ee wakhtigaas, Maxamed Siyaad Barre abaal marin u ballanqaaday qofkii soo qabta gacan ku dhiiglihii Colombo dilay, haddana dad badan ayaa ku tuhmay in Siyaad Barre ka danbeeyay dilka, kaas oo aan waxba la ga qaban.

1990kii waxa qarxay dagaal sokeeye. Muddo yar gudaheed ayay soomaaliya kula wareegeen dagaal oogayaal reeraysani, dabadeed wax ay Soomaaliya noqotay, tilmaanta u gu fiican ee la gu halbeegsado qaran dumay. Intaas kadib, maamul tamardarran ayaa dib loo ga dhisay Soomaaliya, kaas oo ku eeg Muqdisho. Wax aannay Soomaaliya yeelatay dawlad federal ah oo ku meel gaadh ah, markii la soo gaadhay 2012kiina wax uu caalamku u aqoonsaday dawlad faderaal ah. In kaste oo dalka intiisa badani ay bahalo galeen ahayd. Muqdisho na xaalad halis ah ku jirtay, wadaad kiniisadeed oo ka danbeeyay, naftii hure Colombo na aannu joogin, haddana waxa la soo magacaabay wadaad cusub. Sheekhan cusub ee la magacaabay oo leh maamul ergaynimo, waxa la yidhaahdaa: Giorgio Bertin, wax uu hore u soo ahaan jiray muftiga guud ee wadaaddada kiniisada dalka Jabuuti. Dalkaas oo shicibkiisu dhan yihiin siddeed boqol oo kun oo qof, jaar na la ah waddamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Eriteriya.

Soomaaliya dadkeeda waxa la gu qiyaasaa 11 milyan, u gu yaraanna 99.8% waa muslin inta u gu badani Sunnni yihiin. Waxa la soo sheegay, in ay Soomaaliya joogaan keliya 100 qof oo Kaatoli ahi. Inkaste oo tirada dhabta ahi ay ka yar tahay xitaa 30, marka la gu daro xoogaa shaqaale ah oo ka hawlgala arrimaha binu’aadantinimada, sida uu sheegayo wadaadka kiniisadda ee Bertin. 30 kaas geesi ee kaatoliga ahi, asalkoodu waa Soomaali. Qaarkood wax ay lee yihiin magacyo kiristan ah, qaar na ma laha. Sida Bertin sheegayo, afar ama shan ka mid ah soddonkaasi wax ay ka soo jeedaan qabiilka Baantuu. Wax uu intaas wadaadku kusii daray, in aanay jirin kiniisado badan oo la ga dhaxlay talyaanigii, iyo cibaado kiniisadeed oo si hoose loo wado toona.

Arrintu mar walba sidan ma ahayn. Bal eeg, oo ku laabo 1950kii sida ay kiniisaddu warbixinta ku soo saartay, waxa jiray 8500 oo qof oo kaatoliyiin ah kuna nool Muqdisho. Kaatolignimadu wax ay Soomaaliya (soomaalida talyaaniga wakhtigaas) soo gashay, dabayaaqadii qarnigii 19aad. Dadka rumeeyay wax ay ka koobnaayeen qaxoontigii talyaaniga markii danbe na waxa qaatay qabiilka Baantuu oo Soomaaliya la gu addoonsan jiray. Sidoo kale ciidamadii talyaaniga ee guursaday hablihii soomaalida ahaa wax ay keentay in ay korodho tirada kaatoliyiinta, wax aana dhashay carruur yaryar oo iskadhal ah, kuwaas oo markii la kiristaanneeyay (biyaha loo gu maydhay) la siiyay dhalashada dalka talyaaniga. Badhtamihii qarniga 20aaad markii ay yaraatay saamayntii talyaanigu dalka ku lahaa, ilaa imaka waxa hoos u dhac ku yimi tirada kaatoliyiinta.

Badhtamahii burburka dawladda iyo awoodaysigii ururrada xagjirka islaamiyiinta, wax ay noqotay xaaladda kaatoliyiintu mid liidata oo dhimasho ah. Badankoodii way baxsadeen. Bertin, muu ogayn in ay cidi ku biirtay kiniisadda Jabuuti balse wax uu sheegay, in ay u firdhadeen dawladdaha: USA, Italy, Canada, Ethiopia, Holland, Norway iyo Ustralia. Intooda kusoo hadhay Soomaaliya ama se dib u soo booqatay, wax ay ku sugnaayeen halis. 17kii bisha September, 2006dii waxa cisbitaalka dhallaanka ee Muqdisho afaafkiisa hore dil toogasho ah la gu dilay, iyada oo ilaaliyaheedii la socdo; Leonella Sgorbati, oo ahayd gabadh raahibad ah oo u dhalatay dalka talyaaniga.

Ilaa la ga soo gaadhayay dhammaadkii 2008dii kiniisadda Muqdisho, wax ay ahayd kharaabad burbursan. Sida uu sheegayo maqaalka ay BBC du ka diyaarisay, sannadihii danbe waxa kiniisaddii dib u dejin loo gu sameeyay dadkii barakacayaasha ahaa.

Inyar ka hor 25kii Dec, 2013kii ayay dawladda Soomaaliya si cad u joojisay in dabaaldegga (xafladda) Chrismiska dalka la gu dhigo. 2014kii maalintii Chrismiska, ayay 8 nin oo qoryo sita kana mid ah ururka Alshabaab ee gacan saarka la leh ururka Alqaacida u soo dhuunteen xafladdii Chrismiska oo ka socotay, xarunta midowga Afrika ee ku yaalla Muqdisho agagaarka madaarka, halkaasna wax ay ku dileen afar qof. Haddana Dec, 2015kii ayay dawladda Soomaaliya la laabatay go’aankii 2013ka ay ku joojisay dabaaldegyada Chirismiska in aan dalka la gu qaban. Bertin, ka laabashada go’aaankaas wax uu u arkaa, tanaasul cad oo ay sameeyeen hoggaanka siyaasadda ee Soomaaliya. Mana tilmaamayso ayuu yidhi, in uu isbaddal wanaagsani ku dhacay, aragtidii shicibka guud ahaan. Iyo go’aankii ay ka taagnaayeen Kaatolignimada iyo dhammaan mad’habta kale ee kiristaankaba.

Dawladda Soomaaliya uma muuqato mid muhiimad gaar ah siinaysa in ay xadgudubka ka ilaaliso, dadyowga la ga tirada badan yahay ee diimaha kale haysta. Iyada oo loo gu garaabayo in ay jiraan dhibaatooyin kale oo ku filan. Tusaale ahaan, sida ay sheegtay qaramada midoobay, ku dhowaad 260,000 oo qof oo ka la badh ay yihiin carruur shan jir ka yar ayaa Soomaaliya macaluul iyo gaajo u gu dhintay intii u dhexaysay oct-2010 ilaa April 2012. Haayadda qaxoontiga adduunka (UNHCR), wax ay intaas kusii dartay, in ay jiraan dad hal milyan ka badan oo barakacayaal ah kuna nool Soomaaaliya.

Cidda soo gashay, arladaas musiibadu ku habsatay waa koox Kaatoliyiin ah oo u shaqeeya arrimaha binu’aadantinimada. Waa Caritas Somalia, taas oo had iyo jeer garab taagan ururrada kale ee aan dawliga ahayn, kana caawisa soomaalida barakacday iyo saxariirka haysta, iyada oo aan loo eegayn diintooda. Xarunta guud ee Caritas Soomaaliya wax ay ku taallaa dalka Jabuuti. Hoggaamiyaheeduna cid kale ma aha ee waa Sheekh Giorgio Bertin. Wadaadku labo jeer ayuu Muqdisho soo booqday, wax aanna halkaas u gu danbaysay 2015kii. Khatarta jirta awgeed wax uu wadaadku soo joogay Muqdisho labo ama saddex maalmood oo qudh ah, wax aannu la kulmay masuuliyiinta xukuumadda, wax aannu la soo dabaaldegay, qaar ka mid ah ajaanibta kaatoliga ah. Sidoo kale wax uu wadaadku soo indho’indheeyay mashaariicda ay Caritas ka fulisay Soomaaliya, iyo ururradeeda yaryar ee aan dawliga ahayn. Dedaalladaas uu sameeyay, wax uu Bertin ku soo arkay qaar ka mid ah dadka u gu baahida badan kaalmada adduunka, wax aannu sii waday qaab ka mid ah saamaynta ay kiniisaddu lee dahay.

Iyada oo ay Muqdisho tahay meel cadow u ah kaatoliyiinta, haddana weli waa meesha iyaga u gu amaanka badan. Haddii magaalada la ga baxo, awoodda dawladdu way dhinmaysaa ilaa ay gaadhayso meel aanay jirin ba. Sidaas daraaddeed kaatoliyiinta –ama halkan oo kale- cid kaste waa la dili karaa, iyada oo aan la ga baqanayn wax ciqaab oo rasmi ah. Sida Bertin sheegay: “Way adag tahay, in imaka la yidhaahdo; Soomaaliya wax ay noqonaysaa meel ay amni wanaagsan ku helaan kaatoliyiintu, ama aanay ku helin” Wax uu intaas ku sii daray: “ U gu horeyn, haayadihii qaranka ayaa dib loo dhisayaa, kuwaas oo dammaanad qaadi doona qaabka loo ilaalinayo dadka la ga tirada badan yahay”

Ma jirto kiniisad bad qabta oo Soomaaliya ku taallaa. Mana jirto mid sideedii ahi. Wakhtiganna suuratagal ma aha mana shaqaynayo isku day kaste oo dib loo gu soo celinaayo kiniisaddii Muqdisho, taas oo weli ay ka muuqato raadadkii qurxoonaa ee Gothic ka,balse saqafkii sare ay dabayshu ka qaadday. Taas baddalkeeda wax ay Bertin iyo saaxiibadiisa Kaatoliyiinta ahi dayactirayaan kiniisaddii Katoligga ahayd ee Hargeysa, caasimadda Somaliland. Maamul madaxbannaan oo ku yaalla waqooyiga Soomaaliya. Inkaste oo ay Somaliland ka waxqabad badan tahay Soomaaliya, haddana adduunweynuhu uma aqoonsana in ay yihiin qaran jira.

Caritas wax ay ka hawlgashaa Somaliland iyo Soomaaliya ba. Iyada oo nacayb jiro, haddana kooxdani shaqadooda ayay qabsadaan. Waxa shaqadooda ka mid ah: la dagaalanka gaajada, gargaarka degdegga ah, deeq waxbarasho, daryeel caafimaad iyo adeegyo kale. Si kaste ba ha ahaatee, kaatoliyiin fara badan baa ku sugan Soomaaliya. Bertin na wax uu yidhi: “Caritas wax aan u rajaynayaa in ay door ka ciyaari doonto”!

Dhammaad.

Soomaaliyeynta : Axmed-Khaliif Maxamed Jaamac

Fiiro gaar ah:

Qoraalkan waxa la qoray, March 20, 2016. Waxa la gu baahiyay, shebakadda www.catholicworldreport,com.

Ujeedka aan u rogay, waa in soomaalidu oggaato jidka la hayaa, iyo haadaanta lagu hoobanayo. Wakhtigu na maanta iyo berri ma aha. Mustaqbalka ayaa la isku haystaa nooca ay soomaalidu u ekaan doonaan. Dawlad, dhaqan iyo diin intaba. Si fudud na Lumay iman furitaanka kiniisadda Hargeysa. Kuwa kale ee soo socdana rag baa u dedaalaya.

Qoraalkan waad faafin kartaa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.